Cashar-Yar oo ku Saabsan Cusbadda

Wax ka ogow saameynaha deegaanka ay ku leedahay cusbada dhalaalinta barafku (baraf dhalaalinta). Wax ka ogow habdhaqanka ugu fiican ee barafka qoyan iyo kan qalalan loo xaaro loona yareeyo isticmaalka cusbada lagu shubo wadada guriga gasha iyo jidad

Walaaca

Xilli walba oo qabooba ah cusbo ayaa loo isticmaalaa wadooyinka iyo jidadka lagu lugeeyo si looga dhigo kuwo amaan ah oo aan sabiibix ahayn. Hase yeeshee, cusbaddu waa wax aad dhib weyn ugu ah biyaha dhulka jiifa.  Biyaha iyo cusbadda is-wata waxaa u qaada haraha iyo wabiyada marinada biyaha roobka kolka uu baraflku dhalaalo.  

Cusbaddu waa dikhow joogta ah oo waxyeela, duur-joogta, waxay kaloo wax u geystaa cagfaha iyo cidiyaha xayawaanka guri joogta ah iyo shamiitada wadoonka iyo gawaarida.  

Qaar badan oo anaga naga mid ahi waxay isticmaalaan cusbo ka badan inta loo baahan yahay si kolkaa si taabagal ah loogu dhalaalino barafka. Waxa aanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad marka hore xooga saarto xaarida barafka. Mar walba marka hore badeel ku xaar barafka iskana ilaali isticmaalka cusbada.   

Cusbada badan macnaheedu ma aha inay keeni dhalaalid baraf oo badan.  

¿Qué puedo hacer para ayudar a proteger nuestra agua dulce?

Amaanku waxa ugu horeeya wax walba

  • Si tartiib ah oo taxadar leh ugu dul soco meelaha sabiibaxa ah oo barafka adag leh.  
  • Tartiibso. Xaaladaha wadadda la soco hubina inaad siiso darawada gawaarida barafka xaaraya goobo ku filan si ay shaqadooda u qabsadaan.   
  • Samir badan lahow. Ku arkid  la’aanta aadan ku arkayn cusbo wadada ama wadiiqooyinka lugeynta macnaheedu ma aha inaan cusbo lagu daadin.  
  • Cadee waxa keena in meelaha qaarkood inta badan ay barafka adag yeeshaan. Ma leeyahay gurigaaggu majaroor biyaha saqafka hoos u qaada uu ku foorara wadada guriga soo gasha ama shamiintada wadaddu ma leedahay meel godan? Caawi inaad meesha ka saarto meelaha barafka adag yeesha adigoo hagaajinaya sababaha saqafka ee keenaya.   

Habdhaqanada ugu fiican ee xaarida barafka

  • Aaladaada ugu horeeya ee xaarida barafku waa inay mar walba noqdaa badeel, bir jeebka barafka gooya, mashiinka barafka qaada, xaaqin, ama mashiinka caleenta qaada. (Marna waligaa baraf ha gelin marida biyaha roobka qaada ama majaroorada.)    
  • Markiiba barafka badeel ku xaar si aad uga hortagto in barafku oo isqabsado oo adkaado.  
  • Jajabi adigoo isticmaalaya bir-jeebka barafka lagu jaro. Iska ilaali isticmaalka cusbada.  
  • Haddii barafka adagi meesha ku sii haro, ku firdhi lakab khafiif ah oo ciid ah barafka adag korkiisa. Ciidu waxa ay dhalisaa qabsi, laakiin ma dhalaaliso barafka. Ciida xaaq si dib loogu isticmaalo ka dib kolka uu barafku iskii si dabiici ah ugu dhalaalo. 
  • Magaaladda Minneapolis waxay siisaa dadka degan ciid bilaash ah (Free sand for residents)

Habdhaqanada ugu fiican ee isticmaalka cusbada

  • Mar walba marka hore xaar oo qaad barafka. 
  • Haddii baraf adagi meesha ku sii haro ka dib kolka la xaaro si tashiil ah ugu istcimaal cusbada. 
  • Cusbadda barafka adag uun ku dul daadi. Cusbo in lagu daadiyo ma aha meel banaan.  
  • Haddii aad ku aragto cusbo goob dariiq xaaran ah, wax shaqo ah oo dhalaalin ah ma ay sameynayso, biyaha ayaa u qaad harooyinka iyo wabiyadeena. Xaaq wixii cusbo ah ee hara si kol kale dib loogu isticmaalo. 
  • Isticmaal goob kaliya ku shubida. Ku shub cusbada meelo khaas oo baraf adag leh uun. 
  • Si taabogal ugu adeegso. Cusbada badan macnaheedu ma aha dhalaalid badan.  
    Isticmaal fardhin yar. Qiyaastii, quruuruxa cusbada ahi waa inay isu jiraan sedex inji. Eeg tilmaamaha warshadda sameysay cusbada ee ku dhul qoran weelka cusbadu ku jirto.   
  • Goob 150 oo fiit oo isku wareeg ah, goob le’eg inta gaariga la dhigto waxa ay u baahan tahay uun, sideed wiqayadood oo cusbo ah. Sideed wiqiyadood waa in le’eg koobka yar ee qaxwaha.  
  • Ku rid cusbadda weel daboolan ama xafidan si loo dhowro tayada loogana hortago dhashuumid.  
  • Calaamado ku ag dhaji weelashaada cusbada si ay kuugu noqdaan xusuusiyaal ku xusuusiya habdhaqanka ugu fiican ee loogu firdhiyo cusbada meelaha barafka adag leh.   
  • Eeg buugga yar ee hoose 
salt spread out
Cusbo fidhinta fiicani waa midda quruuraxa cusbaddu ay isu jiraan sedex inji.
Pile of rock salt on sidewalk
Cusbaddu waa inysan noqon tuur muuqata. Xaaq dibna u isticmaal cusbada soo harta kolka barafku dhalaalo.
Shoveling out snow
Ayaa barafka xaarta si loo yareeyo baahida isticmaalka cusbada.
cup of salt
8 wiqiyadood ayaa dhalaalin kara barafka adag ee saaran goob 150 oo fiit oo isku wareeg ah ama goob le’eg goobta gaariga la dhigto.
Hal malgacad oo mida shaaha ahi oo cusbo ahi waxa ay wasakahyn kartaa shan galaan oo biyo ah.

Salt mini-course videos

You can watch these educational videos as part of the salt mini-course.

Muhimadaha Waaweyn

  • Xaar xoqna markiiba barafka. Banee wadiiqooyinka lagu lugeeyo ka hor inta uusan barafku adkaan iskana ilaali isticmaalka cusbada.  
  • Ugu firdhi cusbada si yar uun meesha u baahan. Ha u dhaxeyso sedex inji quruuraxaha cusbada. 
  • Yaree adeegsiga. Cusbadu waxay wax ka tarnaa uun meelaha barafka adag leh. Ha ku firdhin cusbo goobaha banaan ee aan barafka adag lahayn.
  • Soo Xaaq dibna u isticmaal cusbada haraaga ah ee dhulka ku soo harta kolka uu barafku dhalaalo. Cusbadda soo haraysaa waa calaamad muujinaysa in cusbo badan la adeegsaday.  
  • Amaanku mudnaanta koowaad. Tartiib iyo si taxadar leh ugu soco dhulka barafka adag leh. 

Resources

Contact us

Salt Mini-Course Program

Surface Water & Sewers Regulatory Team
Public Works