Xeerarka baarkinka degdega ah ee barafka

Baro sida meesha loo dhigto marka ay jirto xaalad degdeg ah oo barafka si aad uga fogaato tigidh iyo jiidid.

Dulmar

Xilliga degdega ah ee barafka, sharciyada gaarka ah ee baarkinka ayaa dhaqan galaya. Xeerarkan ayaa u oggolaanaya shaqaalaha magaalada inay xaaqaan waddooyinka. Waxa kale oo ay ogolaataa baabuurta gurmadka iyo taraafikada kale inay dhex maraan.

Sharciyada goobaha gaadiidka la dhigto oo maalin maalin ah

Maalinta 1

Sharciyada goobaha gaadiidka la dhigto waxa ay ka bailaabanayaan 9ka fiidnimo 

Graphic of day 1 snow emergency parking rules.

Waxa aad gawaarida dhigan kartaan:   

  • Labada dhinac ee waddo leh waddo kala qeybisa iyo wadooyinka aan laheyn calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka degdegga ah.  

Ha dhigan gawaarida:

  • Labada dhinac ee khadka leh calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka Degdegga ah.   Ugu horeyn xaaqidda barafka waxa ay ka bilaabaneysaa wadooyinkaas  Waxa aad dhigan kartaa waddooyinkaas ka dib marka laga xaaqo barafka. 

Sidee lagu gartaa in wadadu tahay Wadooyinka Xaaqidda Barafka ee Gurmadka Degdegga ah?

Sidee lagu gartaa in wadada barafka laga xaaqay

Sidee lagu gartaa in wadadu tahay mid hexdka ku leh waddo kala qeybisa

Maalinta 2

Sharciyada goobaha gaadiidka la dhigto waxa ay ka bilaabanayaan 8da aroornimo

Graphic of day 2 snow emergency parking rules.

Waxa aad gawaarida dhigan kartaan:

  • Dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada kisiga ah oo aan laheyn calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka degdegga ah. Dhinaca kisiga ah waa dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada kisiga ah. Tusaalooyin: 1247 Maple St. ama 2561 18th Ave.
  • Labada dhinac ee khadka leh calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka Degdegga ah

Ha dhigan gawaarida:

  • Dhinaca wadada ee cinwaankoodu ku dhamaado tirada dhabanka ah ah oo aan laheyn calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka degdegga ah. Dhinaca dhabanka ah waa dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada dhabanka ah. Tusaalooyin: 1238 Oak St. ama 2574 Cedar Ave.
  • Laba dhinac ee wadada leh  waddo dhexe oo kala qeybisa. 

Waxa aad dhigan kartaa waddooyinkaas ka dib marka laga xaaqo barafka. Inta u dhaxeysa 8da fiidnimo - 8da aroornimo waa in aad gaarigaaga ka qaadaan dhinaca cinwaanka dhismaha ku dhamaado tirada kisiga una wareejisaan dhinaca dabanka ah. Maalinta 3aad waxa ay sharciyada ka bilaabanayaan 8da fiidnimo

Sidee lagu gartaa in wadadu tahay Wadooyinka Xaaqidda Barafka ee Gurmadka Degdegga ah?

Sidee lagu gartaa in wadada barafka laga xaaqay

Sidee lagu gartaa dhismaha cinwaankoodu ku dhamaado tirada kisiga ama dhabanka ah

Sidee lagu gartaa in wadadu tahay mid hexdka ku leh waddo kala qeybisa

Maalinta 3

Sharciyada goobaha gaadiidka la dhigto waxa ay ka bilaabanayaan 8da aroornimo

Day 3 snow emergency parking rules

 

Waxa aad gawaarida dhigan kartaan:

  • Dhinaca wadada ee cinwaankoodu ku dhamaado tirada dhabanka ah oo aan laheyn calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka degdegga ah. Dhinaca dhabanka ah waa dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada dhabanka ah. Tusaalooyin: 1238 Oak St. ama 2574 Cedar Ave.
  • Labada dhinac ee khadka leh calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka Degdegga ah
  • Laba dhinac ee wadada leh  waddo dhexe oo kala qeybisa.

Ha dhigan gawaarida:

  • Dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada kisiga ah oo aan laheyn calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka degdegga ah. Dhinaca kisiga ah waa dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada kisiga ah. Tusaalooyin: 1247 Maple St. ama 2561 18th Ave. Waxa aad dhigan kartaa waddooyinkaas ka cib marka laga xaaqo barafka.

Sidee lagu gartaa in wadadu tahay Wadooyinka Xaaqidda Barafka ee Gurmadka Degdegga ah?

Sidee lagu gartaa in wadada barafka laga xaaqay

Sidee lagu gartaa dhismaha cinwaankoodu ku dhamaado tirada kisiga ama dhabanka ah

Sidee lagu gartaa in wadadu tahay mid hexdka ku leh waddo kala qeybisa

Gaadiidka la dhigto wadooyinka laga xaaqay barafka

  • "La xaaqay" waxaa loola jeedaa wadooyinka laga nadiifiyey barafka oo la xaaqay intii suurogal ah.
  • Waxa aad dhigan kartaa gawaarida wadooyinka la xaaqay xitaa haddii weli lagu jiray xilliga gurmadka xaaqidda barafka ee lagu dhawaaqay. 
  • Waa in aad xaqiijisay in wadada la xaaqay si balaar ah inta aadan dhigan gaariga.  Waxaa laga yaabaa in shaqaaluhu  wadada xaaqaan wax ka badan hal mar. 

Waddo dhexda ku leh waddo kala qeybisa 

Arag khariidadda wadooyinka ee laga dhaqan geliyo   "parkways. »- waddo dhexda ku leh waddo kala qeybisa. 

Fiiri khariidadda jardiinooyinka Minneapolis

La xaaqay maainta 1

  • 46th St. E. (Cedar Ave. S. to Longfellow Ave. S.) 
  • Main St. SE (Hennepin Ave. E. to Third Ave. SE)

La xaaqay maainta 2

  • First St. S. (21st Ave. S. to River Parkway W.)
  • 22nd Ave. S. (Nokomis Pkwy. E. and Minnehaha Parkway E.)
  • 26th Ave. N. (Theodore Wirth Parkway to Vincent Ave. N.)
  • Fourth St. S. (21st Ave. S. to River Parkway W.)
  • 53rd St. E. (Nokomis Parkway E. to Woodlawn Blvd.)
  • Fifth St. NE (St. Anthony Parkway to Columbia Parkway)
  • Bde Maka Ska Blvd. (W. 32nd St. to Excelsior Blvd.) – formerly Calhoun Blvd.
  • E. Bde Maka Ska Parkway – formerly Calhoun Parkway E.
  • W. Bde Maka Ska Parkway – formerly Calhoun Parkway W.
  • Cedar Lake Parkway
  • Columbia Parkway
  • Dean Parkway
  • Derby Ave. (Woodlawn Blvd. to Nokomis Parkway E.)
  • Emerson Ave. S. (Kenwood Parkway to Dunwoody Blvd.)
  • Godfrey Parkway
  • Humboldt Ave. S. (Minnehaha Parkway W. – north and southbound)
  • Kenwood Parkway
  • Kings Highway (Lake Harriet Parkway E. to Dupont Ave. S. and 46th St. W. to 36th St. W.)
  • Knox Ave. S. (the Mall to Lake of the Isles Parkway E.)
  • Lake Harriet Parkway E.
  • Lake Harriet Parkway W.
  • Lake of the Isles Parkway E.
  • Lake of the Isles Parkway W.
  • Linden Hills Blvd. (Lake Harriet Parkway W. to William Berry Dr.)
  • Memorial Parkway
  • Minnehaha Parkway E.
  • Minnehaha Parkway W.
  • Nokomis Parkway E.
  • Nokomis Parkway W.
  • Ridgeway Parkway NE
  • River Parkway E.
  • River Parkway W.
  • Roseway Rd. (Lake Harriet Parkway E. to Kings Highway)
  • South Minnehaha Park Dr. (54th St. E. to Godfrey Parkway)
  • St. Anthony Parkway
  • Stinson Parkway
  • The Mall (Knox Ave. S. to cul-de-sac near Hennepin Ave. S.)
  • Theodore Wirth Parkway
  • Veterans Home Rd. (Godfrey Parkway to MN Vets Home)
  • William Berry Dr. (Lake Harriet Parkway W. to Richfield Rd.)

Maalinta 3 

Lama xaaqo wadooyinka dhexda ku leh waddo kala qeybisa 

Sidee lagu gartaa dhismaha cinwaankoodu ku dhamaado tirada kisiga ama dhabanka ah

Hubi cinwaanka

Sida ugu fudud ee lagu garan wadada kisiga ah iyo tan dhabanka ah waa adiga oo hubiya lambarka dhismaha ee cinwaanka. 
 
Dhinaca dhabanka ah
Dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada dhabanka ah (0,2,4,6,8), dhinacaas waa dhinaca dhabanka ah.
Tusaale: tirada dhismaha ee cinwaanka: 1356 Maple St. ama 2512 17th Ave.
 
Dhinaca kinsiga ah
Dhinaca wadada ee lambarka dhismuhu ku dhamaado tirada kinsiga ah (0,2,4,6,9), dhinacaas waa dhinaca kinsiga ah.
Tusaale: tirada dhismaha ee cinwaanka: 1359 Maple St. ama 2513 17th Ave.
 

Ma laha cinwaan la hubin karo. 

Haddii aanay wadadu laheyn wax dhisme ah, way adag tahay in la ogaado dhinaca kinsiga ah ama dhabanka ah. 
 
Waxaanu kugu talineynaa in aad weydiiso deriska ama xaafadaha ganacsiga si aad u ogaato dhinaca kinsiga ah iyo kan dhabanka ah.  Haddii aad su’aal ka qabto waddo gaar ah, fadlan nala soo xiriir.

Sidee lagu ogaadaa Khadka Gurmadka Barafka ee Xaalaadda Degdegga ah

Calaamadda Khadka Xaaladda Degdegga ah

Wadooyinka Xaaladda Degdegga ah ee Xaaqidda Barafka waxaa ku dhagan calaamad casaan ah oo ay ku qoran tahay Xaaladda Gurmadka Degdegga ah calaamadda wadadu waa mid buluug ah. 

Snow Emergency route sign Blue street sign

Street lookup map

Waxa kale oo aad isticmaali kartaa khariidadda wadooyinka si aad u ogaato wadooyinka Gurmadda Xaaqidda Barafka ee Degdegga ah.  Khariidadda ayaa kaa caawin kafrta in aad ogaato dhinaca wadada ee dhabanka ah ama kisiga ah haddii aysan wadadu laheyn wax cinwaan ah.  (Waxa kale oo aad soo wici kartaa 311 si ay arrintan kaaga caawiyaan.)

Street lookup map

Calaamadda wadooyinka aan laheyn calaamadda Xaaqidda Barafka ee Gurmadka degdegga ah

Magaca wadooyinka aan aheyn kuwa Gurmadka Barafka ee Xaaladda Degdegga ah waa mid cagaar ah ama midabka qaxwaha ah 

 

Request accessible format

If you need help with this information, please email 311, or call 311 or 612-673-3000.

Please tell us what format you need. It will help us if you say what assistive technology you use.

Sharciyada Gawaari/Baabuur Dhigashada (Somali)

Raadso meel aad Gaariga/Baabuurka dhigato Marka lagu dhawaaqo Gurmad ka deg dega ee Barafka si aan tigid loo saarin ama lagaaga jiidin.

Sharciyada Gawaari/Baabuur Dhigashada

Contact us

Minneapolis 311

Hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday

See list of City holidays