Aan si sax uga shaqeyno qashinka dib loo warshadeeyo
Waa maxay saameyntooda markaa dib loo warshadeyn?
Khasaarinta waxyaabahaas qiimaha leh waxay nagu qaaliyey doonaan qiimaha wax kasta oo aan soo iibsaneyno.
- Waxaa naga yaraanaya qiiqa u dhigma 10,400 oo baabuur oo magaalada dhex socda sannad kasta.
- Ha noo baaqato koronto ku filan in la kululeeyo 4,650 oo guri sannad kasta.
- Shaqo buuxda oo joogto ah ha noo helaan 167 qof sannad kasta.
Qasacadaha aluminium-ka
Gasacadaha almuuiniyamka dib looga soo dhigi karaa gasacado cusub marar badan. Dibu-warshadeynta hal gasacad oo ah almuuniyam waxaa noogu baaqan karta koronto ku filan in lagu shito taleefashin ama kambuyuutar ilaa 3 saac. Magaalada Minneapolis, keliya ilaa iyo 50% gasacadood oo ah almuuniyam ayaa dib loo soo warshadeeyey.
- Markii almuuniyam badan dib loo warshadeyn waayey waxaa nagu qaaliyoobay qiimaha almuuniyamka. Dhibkaasi waxa uu keenay:
- Shirkado badan ayaa joojiyey badeecooyinkoodii qaar ka mid ah
- Waxaa nagu qaaliyoobay soodhada, biyaha, iyo khamriga
Qasacadaha birta
Qasacadaha birta ah waxaa mar walba dib loogu rogi karaa qasacado cusub. Yaraanta birta dib loo warshadeeyay waxay kordhisay qiimaha birta.
- Shirkado ayaa joojinaya samaynta alaabooyin qaarkood
- Qiimo kicis oo ku yimid digirta, miraha, maraqa iyo cuntooyinka kale ee qasacadda ku jira
Kartoon iyo waraaqo isku-dhafan
Waraaqaha adag ee sida kartoonka iyo kuwa la midka ah dib ayaa loo warshadeyn karaa ilaa toddoba jeer. Dibu-warshadeynta baakado gaaraya hal foot waxaa noogu baaqan kara koronto lagu isticmaali karo qubeyska biyo kulul maalin kasta ilaa hal toddobaad oo waxaa lagu soo sameyn karaa baakado badan intii la soo goyn lahaa geed gaaraya 40-foot.
Markii baakadaha dib loo warshadeyn waayey waxaa nagu qaaliyoobay qiimaha baakadaha. Dhibkaasi waxa uu keenay:
- Madbacado badan in ay yareeyaan sameynta buugaagta iyo majalladaha
- Warshaduhu waxay soo saarayaan noocyo iyo midabyo yar oo ah waraaqo oo waxaa dib u dhacay daabacaadda iyo qeybinta
Dhalooyinka iyo weelasha galaaska
Galaaska si aan xad lahayn ayaa dib loogu warshadayn karaa dhalooyin iyo weelal cusub mana dhamaado. Galaaska sidoo kale waxaa dib loogu warshadayn karaa waxyaabo kale sida kubbado yaryar, mutuleel qurxin ah, dahaaridda iyo wax kale.
Yaraanta galaaska dib loo warshadeeyay waxay kordhisay qiimaha galaaska. Tani waxay sababtay:
- Calaamado ganacsi ayaa ka beddelaya dhalooyinka galaaska una beddelaya dhalooyin caag ah
- Suuqyada galaaska bunni, cagaar iyo buluug ah ayaa hoos u dhacaya
Sidee baan u dedaali karnaa?
Waxaa jira waxyaabo fudud oo aan sameyn karno si loo badiyo wax kasta oo dib loo soo warshadeyn karo.
- Dib ha loo warshadeeyo almuuniyamka, baakadaha, iyo waraaqaha oo dhan.
- Iska hubso in aad qashinka la soo warshadeyn karo geliso meel sax ah.
- Markaad ka shakido, raadso.
Siyaabaha aad ku ogaaneyso qashinka dib loo warshadeeyo ee saxda ah
- Booqo bogga intarnetka ee qashinka dib loo warshadeeyo
- Ka eego talooyinka aad raaceyso
- Ka raadso meelaha qashinqubka
- Ku soo biir bogga aan ku leenahay Facebook
- Isku qor boostada intaretka ee Xasuusinta Dibu-warshadeynta Qashinka
Maxaa ku dhacaya qashinka dib loo soo warshadeeyo
Ka dib marka qashinka warshadaha laga soo qaado guryaha waxaa la isugu keenaa xarunta Eureka Recycling oo 15 qeybood ayaa loo sii kala soocaa. Markaas ka dib ayaa laga sii iibiyaa shirkado si ay alaabo cusub uga soo saaraan.
- 74% qashinka waxaa alaab cusub ka sameysata Minnesota.
- 94% qashinka waxaa alaab cusub looga dhigaa gobollada sare ee Galbeedka Dhexe.
- 98% qashinka dib loo warshadeeyo waxaa lagu isticmaalaa Waqooyiga Ameerika.
Siyaabaha aad ku ogaaneyso qashinka dib loo warshadeeyo ee saxda ah
Contact us
Solid Waste & Recycling
Phone
Address
Eastside Maintenance Facility
2635 University Ave NE
Minneapolis, MN 55418
Office hours
8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday
This building is closed to the public.