Dulmar Guud
Waa in la horumariyaa nidaamka gurmadka ee magaalada si wax looga qabto baahida dhamaan dadka degan magaalada. Xoga laga soo ururud ay dadka Madowga ah, dadka asal ahaan waddanka loogu yimid iyo kuwa laga tirada badan yahay (BIPOC) ayaa lagu ogaaday:
- BIPOC waa 37% tirada dadka ku nool Minneapolis
- BIPOC waxa ay 52% ka yihiin dadka soo codsada xaaladaha la xiriira gurmadka dhimrika.
Waxaanu abuureynaa barnaamij tijaabo ah oo:
- Si gaar ah gurmad loola beegsanayo codsiyada gurmadka ee dada madaxa ka jiran la xiriira.
- Lagu tababaro shaqaalaha ka jawaaba telefoonada qiimeynta codsiyada la xiriira cudurada dhimirka.
- Xirfadlayaasha cudurada dhimirka oo ka hawlgala waaxda 911
- Sidii si wanaagsan loogu gurman lahaa xaaladaha caafimaadka dhimirka ee bulshada BIPOC iyo dhamaan dadka deggan magaalada.
Waxaanu bilaabeynaa in cabashooyinka qaarkood lagu soo gudbiyo barta internetka ama 311. Marka ay doonayaan in ay soo gudbiyaan mid ka mid ah dacwadahaas waxaa lagula talinayaa in ay dacwadooda ku soo gudbiyaan barta internetka ama wacaan 311 :
- Burburka hantida
- Dacwadaha tuganimada
- Dacwadaha goobaha gaadiidka la dhigto
- Dacwadaha kale – telefoon kaliya